Fursad Shaqo

Waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa fursad shaqo oo loogu talagalay dhalinyarada reer Somaliland, wiilal iyo gabdhaha, ee raba inay noqdaan suxufiyiin iyo qorayaal. Haddii aad leedahay karti qoraal iyo rabitaan aad ku horumariso xirfaddaada saxaafadda, fursaddan ayaa adiga kuu ah.

Shuruudaha Codsiga:

1. Da'da: Waa inaad ahaataa ugu yaraan 17 sano jir.

2. Aqoonsiga Qaranka: Waa inaad haysataa kaarka aqoonsiga qaranka ee Somaliland; haddii aadan haysan, waxaad soo gudbin kartaa kaarka aqoonsiga waalidkaaga.

3. Waxbarashada: Waa inaad gaadhay heer dugsi sare, shahaado haysato ama aanad haysanba, iyadoo la tixgelinayo in dugsigaagu yahay mid ay dawladdu aqoonsan tahay.

4. Xirfadda Qoraalka: Waa inaad taqaanid sida loo qoro ama aad leedahay xirfad yar oo ku saabsan qoraalka iyo saxaafadda.

5. Fahanka Saxaafadda: Waa inaad leedahay fikrad guud oo ku saabsan saxaafadda.

6. Aqoon Somaliland: Waa inaad taqaanid wax badan oo ku saabsan Somaliland.

7. Waqti Furan: Waa inaad haysataa 2 saacadood oo firaaqo ah maalintii.

8. Luuqadaha: Waa inaad taqaanid labada luuqadood ee Carabiga iyo Ingiriisiga.

9. Raacitaanka Baraha Bulshada: Waa inaad raacdo dhammaan akoonnada baraha bulshada ee Buraopost.

10. Isdiiwaangelinta Website-ka: Waa inaad iska diiwaangelisaa website-kayaga.

11. Rakibidda Substack: Waa inaad soo dajisato Appka-Substack si aad u maamusho profile-kaaga.

12. CV Nadiif ah: CV si fiican loo diyaariyey waxay kordhinaysaa fursadda lagu aqbalo.

13. Jinsiga: Ma jiro farqi u dhexeeya wiil iyo gabadh; waxa muhiimka ah waa xirfaddaada.

14. Imtixaanka Qoraalka: Waxaan ku siin doonaa laba maqaal oo tijaabo ah.

15. Mushaharka: Saacad kasta waxaad heli doontaa $7; mushaharku wuu kordhi karaa iyadoo ku xiran xirfaddaada qoraalka iyo sida akhristayaashu u jecel yihiin maqaaladaada.

16. Maqaallo Tayo Sare leh: Qoraallo tayo sare leh waxay kuu horseedi karaan inaad noqoto tifaftire ama xitaa maareeye.

17. Kordhinta Jagada: Waxaan kor u qaadnaa shaqaalaheenna 4-tii biloodba mar.

Sida loo Codsado:

Haddii aad buuxiso shuruudaha kor ku xusan oo aad xiisaynayso fursaddan, fadlan soo dir CV-gaaga adigoo adeegsanaya email ama WhatsApp:

📩 Buraopost@gmail.com

📱 WhatsApp: +252-67-2322387

Haddii aad qabto wax cabasho ah ama aad u malaynayso in si khalad ah laguu eexday, fadlan nala soo xidhiidh:

📩 Buraopostnews@gmail.com

Waxaan jecelnahay dhalinyaradayada! ❤️

Fursaddan waa mid loo siman yahay dhammaan dhalinyarada reer Somaliland, iyadoon loo eegin jinsiga. Waxaan si gaar ah u dhiirrigelinaynaa gabdhaha inay codsadaan.

Fursaddan ha iska lumin! 🎯

Thanks for reading Buraopost Newsletter ! Subscribe for free to receive new posts and support my work.