Buraopost Newsletter
The Buraopost Podcast
Somalia Oo Dhexda U Gashay Dagaal Labo Afoole Ah
0:00
-2:34

Somalia Oo Dhexda U Gashay Dagaal Labo Afoole Ah

Somalia oo dhexda u gashay dagaal labo afoole ah iyadoo hadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud laga sugayo in uu qaato go'aan samayn ku yeelan doona Masiirka Somaliya.

Somalia oo dhexda u gashay dagaal labo afoole ah iyadoo hadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud laga sugayo in uu qaato go'aan samayn ku yeelan doona Masiirka Somaliya kaas oo noqonaaya "Labo Daran Mid Dooro".

Xasan Sheekh ayaa hadda loo arkaa mid waajahaya culuysyo badan oo kaga imaanaya Dhinacyada Qaahira & Addis Ababa, kaasi oo u baahan maarayn iyo in lagu waajaho khibrad siyaasadeed iyo go'aan qaadasho adag.

Masar ayaa hadda doonaya oo u haqaltaagaysa in dib loo soo celiyo oo baadhka laga jafo go'aamadii saddex geesoodka ahaa "Somalia, Egypt, Eritrea", ee lagu gaaray sanado ka hor waddanka Eratariya kaas oo xanbaarsanaa qorshe iyo dhaqdhaaqyo lagu go'doominayo Dalka Ethiopia.

Discussion about this episode

User's avatar